Somali News

Golaha Aqalka Sare oo maanta Akhrinta 1-aad Marsiiyay hindise sharciyeed muhiim ah.

Muqdisho-KNN-Golaha aqalka sare ayaa maanta Akhrinta Kowaad Marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha, kaas oo ay u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka.

Sharcigaan Warshadaha haddii uu meeelmaro waxa uu sal dhig u noqon doonayaa isku xerka ganacsiyada dalka iyo kuwa suuqyada Caalamka, fududeynta maamulada, diiwaangelinta shirkadaha ganacsiyaga iyo maalgashiga dalka, waxaana kulanka maanta ay golaha aqalka sare ku yeesheen xarunta golaha akhrinta kowaad ku marsiiyeen hindise sharciyeedka warshadaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha aqalksa sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shir guddoon ka ahaay kulankii maanta.

Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka hor akhriyay Golaha heerarka uu soo maray hindise sharciyeedkaas, waxaana uu sheegay in la soo geliyay latashiyo badan oo ka mid ah hay’adaha dalka.

Kalfadhiga 5-Aad kulankiisa 12-aad ee Golaha maanta waxaa soo xaadirtay 29 xubnood, iyadoo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeeno waxaana soo xeray Gudoomiyaha golaha Aqalka sare mudane Cabdi xaashi Cabdullaahi.