Uncategorized

Golaha Aqalka sare oo maanta ka arinsanaya amaanka xaruntooda

Muqdisho-KNN-Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanka ka shiraayo amaanka Xaruntooda oo shalay Gudiga Joogtada ee Galuhu ay walaac ka muujiyeen taas oo ay sheegeen in amaanka xarunta uusan wanaagsanneyn.

Guddiga ayaa dalbaday xarunta Golaha Aqalka sare in la geeyo Ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo xaqiijiya amaanka Xarunta Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdixaashi Cabdulaahi ayaa horay u dalbaday in amaanka Xarunta Golaha Aqalka sare lagu wareejiyo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amaanka xarunta.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa noo xaqijiyay in kulanka maanta Ajandihiisu yahay

  1. Ka tashiga Arrimaha Amniga xarunta Golaha Aqalka sare.
  2. Ka tashiga Gurmadka Aqalka Sare ee dadka ku dhibaatoobay fatahaadda Jubba Iyo Shabelle hayeeshee amanka ayaa siweyn kulanka loogu faaqidi doonaa saacadaha uu socda.

Kulanka maanta ay yeelanayaan mudanayaasha Golaha Aqalka sare ayaa la filayaa in ay go`aan kaga gaaraan amaanka xaruntooda.