Uncategorized

Golaha Aqalka sare oo maanta ka arinsanaya xaalada fatahaada Beladweyne

Muqdisho-KNN-Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta kulanka ay isugu imaanayaan kaga hadlaya arimo kala duwan oo ay ka midtahay fatahaada Webiga magaalada Beladweyne.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa la filayaa in qadobo ay ka soo saaraan fatahaada Wabiga Beladweyne, taas oo saameysay kumanaan qoys oo ku barakacay daafaha magaalada, kuwaas oo halkaasi ku dhibaateysan.

Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta gaaraya magaalada Beladweyne kuwaas oo shalay kulan deg deg ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu magacaabay.

Xubnahaan ayaa qiimeyn ku sameyn doono xaalada dhabta ee ka dhalatay fatahaadii Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdixaashi Cabdulaahi ayaa Golaha Aqalka sare ka dalbaday in mushaarkooda qeyb ka mid ah ugu deegaan dadka ku dhibaateysan daafaha magaalada Beladweyne.

Sidoo kale Golaha Aqalka sare ayaa guddi u saari doono xaalada adag ee ka taagan magaalada Beladweyne kuwaas oo ka qeyb qaata gurmadka loo fidinayo dad ka barakacay fatahaada magaalada Beladweyne.