Uncategorized

Golaha Aqalka sare oo maanta warbixin ka dhageystay Danjire Cali saciid Fiqi

Muqdisho-KNN-Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub  Danjire Cali Saciid Faqi oo maalmihii dambe ku howlanaa arrimaha soo daad gureynta tahriibiyaasha Soomaaliyeed ee Libya iyo burcad badeed wadamo kale ku xiran.

Danjire Cali Saciid ayaa ka warbixiyay arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada Caalamka sida qaxootigaasi wax looga qaban karo.

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa dalka dib looga soo celiyay Sanadkan, Madaama Qaxootiga qaarkood laga soo daayay xabsiyada ku yaala dalalka Caalamka.

Dhawaan waxaa Muqdisho la keenay dhallinyaro Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya, iyadoona  Dowladda soomaaliya aya guddi u saartay howsha soo daynta maxaabiista Soomaalida ee Libiya ku xiran Gudigaas oo uu hor kacayay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Fiqi.

Sidoo kale wadama laga soo daayay maxaabiista mudadda dheer ku xirnaa waxaa ka mid ah Ethopia oo labo mar laga soo daayay, Hindiya oo labo mar laga keenay maxaabiis Soomaaliyeed Siishalis oo hal mar ah iyo dalka Liibiya oo labo mar noqonaysa maxaabiista laga soo daayay.

Soo qaadista qaxootiga Soomaaliyeed waxaa ay dowladda federaalka ah kala kaashaneysaa Hay’adda QM u qaabilsan dhanka socdaalka ee IOM.