Somali News

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay hab-dhowraha golaha & ku-xigeenkiisa

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad waxaa ay ku meel mariyeen hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Fadhigii Guud Golaha Aqalka Sare waxaa maanta xaadiray 39 Senator, iyagoo xubnaha Goluhu xilka hab-dhowrka u ansaxiyeen laba mudane.

Senator Samsam Ibraahim Cali ayaa loo doortay Guddoomiyaha Hab-dhowraha Aqalka Sare, halka ku-xigeena loo doortay Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama).