Somali News

Golaha degaanka Gaalkacyo oo maanta dooranaya duqa Gaalkacyo

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha degaanka ee magaalada Gaalkacyo dhinac maamulka Puntland ayaa maanta dooranaya duqa magaalada waxaana u tartamaya dhowr musharax sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Gobalka Mudug ee Puntland.

Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dooranaya 31 Xildhibaan oo shalay looga dhawaaqay Gaalkacyo waxaana laga sugayaa in magaalada uu ka dhaco isbadal maamul oo wax ka qabta dhibaatooyinka Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay amar waxa uu ugu bixiyay in la dhiso Golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo kuwaas oo shalay lagu dhawaaqay.