Somali News

Golaha guurtida Somaliland oo kulan xasaasi ah leh.

Hargeysa-KNN-Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa sheegay in maanta Golaha guurtida Somaliland ay kulan aan caadi aheyn ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa looga hadlayaa dib-u-dhaca doorashada Iyo Muddo Kordhin ay Sameeyaan Golaha Guurtidda ee Soomaaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in  kulanka  Golaha Guurtidda la iskugu yeeray ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.