Uncategorized

Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada oo la filayo in ay war kasoo saaraan khilaafka Golaha shacabka

Muqdisho-KNN-Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan deg deg ah ay ka yeeshaan khilaafka ee ka dhax taagan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya kaas oo u muuqda mid mugdi lugaha la sii galaya.

Golaha ayaa la filayaa in khilaafkaas ay ka soo saaaraan Go`aamo iyo in ay muujiyaan sida ay u arkaan khilaafka sida ay tilmaamayaan warar hoose oo KNN ay heleyso xubnahaan ayaa waxaa ay ku wada hadleen Qadka taleefoonka, iyagoona wax badan iska weydiiyay khilaafka siyaasadeed ee u dheexeya Golaha Shacabka iyo sidii Xal looga gaari lahaa, maadaama Xaalada ay sii xumaanayso.

Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada ayaa waxaana la filayaa in  ay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay kulamo gooni gooni ah ula qaataan labada dhinac ee khilaafka uu ka dhax taagan yahay.

Iyadoo Maanta lagu waday in uu qabsoomo kulankii Barlamaanka ayaa u baaqday soo jeedin ka timid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Maadaama labada dhinac midna uu yiri Mooshinka Wuu buray, midka kalana uu sheegay in uusan burin Mooshinkaasi ayaa leysla gartay in maanta uusan dhici Karin kulanka Barlamaanka iyada oo laga cabsi qabo in khilaafka uu sababo gacan ka hadal, maadaama maalmihii la soo dhaafay xubnahaan ka tirsan Barlamaanka ee kala taageersan labada dhinac ay hawada isku marinayeen eedeeymo iyo hanjabaadyo.

Golaha Iskaashiga ee maamul Goboleedyada ayaa hadda doonaya in kaalin lixaad leh ka ciyaaraan xal ka gaarista khilaafkaan siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Golaha shacabka.