Somali News

Golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo taageeray in deeqaha aan la siinin Soomaaliland

Muqdisho-KNN-Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa taageeray go`aan ay horay u gaartay dowlada dhexe ee Soomaaliya kaas oo ku aadanay in la hakiyo deeqaha kala duwan ee la siiyo Soomaaliland.

War qoraal ah oo ku qornay afka Englishka kuna wada saxiixnaayeen madaxweynayaasha Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa loo diray Beesha Caalamka, iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ee Somaliland loogu qoondeeyay deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada:-