Uncategorized

Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada oo war ka soo saaray fatahaada Wabiga Beladweyne

Muqdisho-KNN-Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu ayaa dhankooda ka hadlay xaalada adag ee ka dhalatay fatahaad Wabiga shabee ee uu ka sameeyay magaalada Beladweyne taas oo saameyn ku yeelatay kumanaan qoys oo hadda daadsan faafaha magaalada Beladweyne.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu ayaa waxay  ugu  Baaqayaan  Xukuumada Federalka  Soomaaliyeed,  Ganacsatada,  Soomaaliyeed,  Qurba Joogta  Soomaalieed, Culuma’udiinka Soomaaliyeed,     Hay’adaha Samafalka, UN iyo Deeq Bixiyaasha in  ay  gurmad  degdega oo  bani’aadanimo lala  gaaro  dadka  ku  nool  Dowlad  Goboleedka       Hirhabelle ee    waxyaalada ba’ani ka soo gartey fatahaada Wabiga Shabelle.

Halkaan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu.