Somali News

Golaha Midowga Musharraxiinta oo iclaamiyey banaanbax kale

Muqdisho-KNN-Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iclaamiyay banaanbax kale oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan hoggaaminta madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in maalinta Jimcada ah ee 26-ka bishan Febraayo ay dhigayaan banaanbaxaas.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in banaanbaxaas ay ku qabanayaan fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho oo ah goobtii loo diiday Jimcihii lasoo dhaafay.

Waxaa xusid mudan in banaanbaxyo maalintaas ka dhacay meelo kale oo ka tirsan Muqdisho ay ka dhasheen rabshado, iyadoo ciidamada ammaanka ay rasaas ku kala eryeen shacab iyo musharaxiin mudaharaadayey.