Somali News

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hay’adda Socaalka

Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, kaasi oo maalmihii dambe ay doodiisu ka socotay golaha shacabka.

Sharcigaan ayaa waxaa ogolaaday 145-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, halka lix kalana ay ka aamustay.

Wasiirka ku xigeenka Amniga Xukumadda Federaalka ayaa xildhibaannada uga mahad celiyay tillaabada ay ku ansixiyeen sharcigaan.