Somali News

Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay falkii loo geystay Axmed Mukhtaar

Muqdisho-KNN-Xildhibanada Golaha shacabka ee Baaralamanaka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen magaalada muqdisho, waxaa  ayna kulankooda  kaga hadleen  dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, Taasi oo ku aadaneed  in qoys dhan ay dileen , kadibna ay gubeen nin lagu magacaabi jiray Axmed Mukhtaar Saalax .

Xildhibaanada kulanka ku sugnaa ayaa waxaa ay aad ugu doodeen falka loo geystay Axmed Mukhtaar, waxaa ayna ku tilmaameen mid ka baxsan diinta islaamka.

Xildhibaanad  Aamina Maxamed Cabdi Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudiga Arimaha Bulshadda Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya Ayaa si kulul arintaasi ugu hadashay, waxaa ayna sheegtay in arintaasi ay tahay mid aan loo dulqaadan Karin.

Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka ugu baaqday in Arintaasi ay ka dhiidhiyaan.

Xildhibaanad Aamina Ayaa Ka Codsatay Hay’adaha Garsoorka Ee Dawladda soomaaliya  in falkaasi  ay jawaab Deg-Deg ah ka bixiyaan.

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa dhankiisa sheegay in uusan seexan afartii habeen ee ugu  dambeeysay sababo la xiriira falka naxdinta leh ee loo geystay Axmed Mukhtaar Saalax.