Somali News

Golaha Shacabka oo ka doodi doono Amniga Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta lagu wadaa in  xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ay kulan ku yeesheen  Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Isniin ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa maalmo ka hor sheegay in kulanka looga hadlayo amaanka Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa u soo beegmayaa Xili mudooyinkii ugu dambeeyay madaxda Maamul gobaleedyada ay ka digayeen in Xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho,iyagoona Sheegay in Cabsi badan ay ku qabaan.

War kasoo baxay madaxda maamul goboleedyadda ayaa shaki galiyay Amniga Magaalada muqdisho.

Sugidda Amniga muqdisho waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliya.