Somali News

Golaha Shacabka oo ku kala aragti duwan wax kabadalka Xeerka Bangiga dhexe.

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS ayaa si kulul u weeraray qorshaha wax kabadalka Xeerka Bangiga dhexe oo horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sakariye ayaa Baarlamaanka u sheegay in hal qof oo ajnabi ah dalka oo dhan looga galayo qiyaano Qaran. Sidoo kalane lagu tumanayo Sharciga Bangiga dhexe waxa uuna Xildhibaanada ka dalbaday iney ka fiirsadaan.

“Hal qof oo ajnabi ah in sharaci dhan loo badalo waa nasiib darro waana ku xadgudub aqoon-yahaanka Soomaaliyeed”, ayuu Baarlamaanka ka hor sheegay Xildhibaan Sakariye.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo Xubno kale ayaa taageeray qorshaha wax kaabdalka Sharciga Bangiga dhexe oo hada horyaala Baarlamaanka.

Waxaa jira doodo culus oo ku saabsan Sharciga wax kabadalka Bangiga dhexe ee kaas oo dhawaan ka soo gudbay Golaha Wasiirada Soomaaliya. maanta ayaa la filayaa iney go’aan ka gaaraan Baarlamaanka Soomaaliya.