Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.
139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay maanta xeerka saxaafadda oo mudo hor yaaley Golaha Shacabka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.