Muqdisho-KNN-Xildhibaannada Golaha Shacbaka ee Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga lagu dhisayo guddiga la dagaalanka musuq maasuqa kaas oo in muddo ah horyaallay Golaha.
Ansixinta Sharcigaas ayaa waxaa ogalaatay 149 mudane waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan waxaana diiday meel marinta sharcigaas 1Xildhibaan oo kale sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayey.
Guddoomiyaha ayaa markale digniin u diray Xildhibaanada aan soo xaadirin fadhiga Golaha, sigoo sheegay in aan la aqbali Karin in xildhibaanada qaar ay iska maqnaadaan.