Somali News

Golaha Shacabka oo maanta aqrinta 1aad mariyay Miisaaniyadda 2019

Muqdisho-KNN-Kulanka Golaha Shacabka ee BFS ee Kalfadhiga 4aad ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana shir gudoomiyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C-wali Shiikh Ibraahim Muudey.

Ajandaha Golaha ayaa waxaa ka mid ah aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda sanadka 2019, dhameestirka aqrinta xeerka naafada iyo qodobo kale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Golaha ka hor aqriyay miisaaniyadda sanadkaan isagoo faah faahin ka bixiyay sida loo isticmaali doono, xildhibaanada qaar ayaa qabay su’aalo ku aadan lacagta korartay iyo sida loo isticmaalayo.

Soomaaliya ayaa soo kabaneysa ayaa sameysay kor u kac dhaqaale gaar ahaan dakhliga soo gala Dowladda waxaana la aaminsan yahay in sanadaha soo socda ay gaari doonto isku filnaansho dhaqaalo hadii canshuur aruurinta la gaarsiiyo dhamaan gobalada halka ay hada ku egtahay Muqdisho oo kaliya.

Guddoomiye Muudeey ayaa ugu dambeyn Wasiirka maaliyadda ku wargeliyay in aan la ansixin doonin Miisaaniyadda sanadkaan ilaa ay keenaan Xisaab xerka Miisaanadiyadii 2017.