Somali News

Golaha Shacabka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya wasiirrada magacaaban

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codkooda kalsoonida u qaadaya xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble uu soo dhisay dhawaan.

Xildhibaanada ayaa lagu war-geliyey inay soo xaadiraan kulanka maanta, waxaana ajendihiisa loogu sheegay fariinta loo diray. “U codeynta kalsooni siinta xubnaha golaha wasiirrada magacaaban iyo barnaamijka xukuumadda.”

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 19-kii bishan soo magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 70-xunood oo kala ah wasiirro, wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeenno.

Shaqada ugu badan ee xukuumaddan hor taalla ayaa ah, qabashada doorashada dalka ee 2020/2021-ka oo waqtigeeda ku dhacda, sida uu balan qaaday ra’iiusl wasaare Rooble, markii uu baarlamaanku siiyey codkiisa kalsoonida.