Somali News

Golaha shacabka oo maanta dood ka yeelanaya habkii loo maariyay miisaaniyadda dowladda ee 2017.

Muqdisho-KNN-Maanta waxaa lagu wadaaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya kulanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho inay kaga doodaan xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017ka.

Xisaab xirkaan ayaa lagu sheegay in xildhibaannadu ay gelinayaan dood adag maadaama lagu sheegay 42 milion oo doollar oo dheeri ah inay isticmaashay dowladda kaasi oo aanan ka mid ahayn miisaaniyadii la ansixiyay 2017ka.

Xubno kamid ah xildhibaannada ayaa sheegay in dowladdu ay isticmaashay lacag aad ubadan kuwaa oo aanan lasoo gaarsiin golaha shacabka ku taligalkeeda islamarkaan wax shaqa abuur ah loogu sameyn dhalinyarada soomaaliyeed ee bilaa camalka ah.

Sanadkii hore ayay dalbadeen xildhibaannada golaha shacabka in la horkeeno xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2017ka blse xiligaasi ma aysan suurgalin hayeeshee maanta ayaa la horgeynayaa.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa ku eedeeyay xukuumadda soomaaliya in canshuurta shacabka laga qaaday ay ku maareysay duminta maamul gobaleedyada  iyo kala qub qubka dalka sida ay hadalka udhigeen.