Somali News

Golaha Shacabka oo maanta kulmaya iyo Sharciyo muhiin ah oo horyaala

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda 16aad ee kalfadhiga Shanaad.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee maanta ayaa ah Sedax qodob oo kala ah.

1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa.

2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka.

3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka.