Somali News

Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyey Miisaaniyadii dowladda ee 2017-kii

Muqdisho-KNN-Xisaab-xirka miisaniyadda dowladda ee sanadkii 2017-ka oo maanta Xildhibannada la horgeyey ayaa waxaa ka dhashay dood adag kaddib markii Guddoomiyaha guddiga maaliyadda Maxamuud Cabduulaahi Sheikh Siraaji uu sheegay in xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka ay ku jirto malaayiin dollar ah oo ay isticmaashay dowladdu, taas oo aan lamarin habraaca saxda ah ee ansixinta Golaha Shacabka.

Xildhibaannada kala ah Maxamuud Axmed Ciise iyo Daahir Aamiin Jeesoow, ayaa dalbaday in dib loo dhigo ansixinta xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2017-kii, iyagoo tilmaamay in miisaaniyadaas lagu lunsaday lacago fara badan suurtagalna aysan ahayn in maanta la ansaxiyo ansaxiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabk Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maanta kulanka shir guddoominayay ayaa  ku dhawaaqay in dib loo dhigay xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2017kii, isagoo sheegay in Seddax maalin kadib Golaha dib loogu soo celi doono.

Dhanka kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta fadhigoodii Akhrinta labaad marsiiyey Sharciga duulimaadyada rayidka.