Somali News

Golaha Shacabka oo maanta meel mariyay sharci muhiim ah

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta waqti dheer qaatay inuu furmo kulanka guud ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay kulanka kasoo daaheen qaar kamid ah Xildhibaanada

Xili uu furitaanka kulanku dib uga dhacay waqtiyadii uu ku furmi jiray kadib ayaa waxaa la guda gelay in la yeeriyo liiska Xildhibaannada maanta ka maqnaa kulanka maadaama muddo dheer xarunta Golaha la dhex joogay islaamarkaana aysan dhicin inay yimadaan tirada Xildhibaannada maqan ama kuwa soo dhaweyn kara intaba.

Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu hadlay ayuu   digniin u diray Xildhibaannada ka maqnaa kulanka isagoona sheegay in  Xildhibaan-kii fasax la’aan ka maqnaada kulanka loo diri doono guddiga xasaanadda, kaas oo go’aan ka gaari doona.

Goor dambe oo duhurnimadii maanta ah ayaa waxaa soo xaadiray Golaha, tiro Xildhibaanno ah, kuwaasi oo ka dhigay kulanka mid furmi kara.

Sharciga maamulka maaliyadda dalka ayaa laguda gelay aqrintiisa Seddaxaad waxaana ansixiyey 135 Mudane  halka ay diideen 6 Mudane oo kaliya.

Madaxda wasaaradda maaliyadda ayaa kaga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta sharciga maamulka maaliyadda dalka.