Somali News

Golaha Shacabka oo maanta soo gaba gabeynaya dooda Amniga.

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta lagu wadaa in Xidhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay soo gaba gabeeyaan  doodii ku saabsaneyd  xaalada amni ee Magaalada muqdisho iyo gobalada dalka.

Maalmihii ugu dambeeyay Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa ay ka doodayeen amni darada ka jirta dalka, iyagoona si kulul u eedeeyay xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada Qaar ayaa Waxaa ay  dalbadeen  in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga uu hor yimaado kulanka Golaha Shacabka  si wax looga weydiiyo amniga dalka.

Kulankan ayaa noqonayaa kulankii ugu adkaa ay yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.