Uncategorized

Golaha Shacabka oo meel mariyay xubin cusub oo ka mid noqoneysa Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Muqdisho-KNN-Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ayaa meel mariyay xubin ka mid noqon doonta  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyadleh ku ansixiyay xubinnimada Muumino Shiekh Cumar, oo noqoneysa Xubin ka mid ah Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka

Muumino Sheikh Cumar ayaa lagu wadaa iney marto xildhibaanada  Aqalka sare si ay iyagana u ansixiyaan markaasi oo ay noqon doonto xubin buuxdo oo ka mid ah  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar oo ka mid ahayd Xildhibaanadii hore ayaa dhawaan waxaa sidan oo kale soo meel mariyay Xubinnimadeeda Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Muumino ayaa ka mid ah aheyd xildhibaano looga guuleestay doorashadii Xildhibaanada ee Soomaaliya waxayna ka tirsaneyd 8-dii Xildhibaan Maxkamadda sare u gubiyay cabasho ay ka qabeyn qaabkii looga guuleestay.