Somali News

Golaha shacabka oo meelmariyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2019ka.

141 Xildhibaan ayaa maanta xaadiray xarunta Golaha Shacabka ee baarmaanka soomaaliya intaa kaddib waxaa la ansixiyay Ku Noqashada Qoondada Miisaaniyadda ee sanadka 2019-ka.

118 xildhibaan ayaa ogolaatay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 15 xildhinaan ayaa diiday halka 8kalena ay ka aamuseen sidaasi waxaa sheegay Guddomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Xildhibaannada kala ah cismaan xaaji cali iyo zakariye xaaji cabdi ayaa aad uga horyimid meel marinta ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan iyaga oo soo jeediyay inaan la meel marin maadamaa bey yiraahdeen uu ku jiro qaladaad fara badan.

Cadbdiraxmaan ducaale beylleh wasiirka maaliyadda ee xukuumadda soomaaliya ayaa ansixinta ku noqoshada miisaaniyadda kaddib hadlay ayaa ugu mahadceliyay xildhibaannada golaha shacabka meel marintooda ku aaddan ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2109ka.