Somali News

Golaha shacabka oo warbixin ka dhageysanaya Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya  ayaa maanta waxaa uu Kulan ugu socdaa Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir guddoominaya gudoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka  Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, waxaana soo xaadirtay kulanka 141 Mudane.

Ajandayaasha kulanka Golaha shacabka ayaa maanta waxaa uu yahay labo Ajande oo kala ah Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka iyo  Warbixin laga dhagaysanayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada ayaa hada waxaa ay warbixin ka dhageysanayaan Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Amaanka Xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo badan oo ka tirsan dowladda soomaaliya.

wixii kordha la soco.