Somali News

Golaha wadatashiga qaranka oo la filayo in ay tagaan Kismaayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha Wadatashiga Qaran la filayo in saacadaha soo aadan ay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si halkaasi ay shir ugu yeeshaan.


R/wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya shirka, iyadoona si weyn looga hadlayo dhameystirka heshiiska doorashooyinka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saari doonaa dardar gelinta doorashada, iyo qiimeynta wixii ka qabsoomay heshiiska lagu saxiixay Muqdisho dhamaadkii bishii hore.


Madaxda Soomaalida ayaa wada dadaalo ku aadan sidii ay dalka ugu dhici laheyd doorasho lagu qanacsan yahay.