Garowe-KNN-Kulan ay maanta magaalada Garowe ku yeesheen Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa waxa ay ku ansixiyeen Xeerka la dagaalanka Daabulka iyo ka ganacsiga dadka ama Tahriibinta dadka deegaanada Puntland.
Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maalmo soo aqriyay kana soo dooday xeerkaan oo hore Xukumadda uga yimid waxaana maanta si rasmi ah loogu Ansaxiyey Fadhigii Wakiilada.
Gudoomiyaha gudiga Shuruucda ee golaha Baarlamaanka Axmed Jaamac Cabdule oo ugu horayn ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey xeerkan ay Ansaxiyeen waxa uuna sheegay in ay faa’iido badan ugu jirto Shacabka Puntland.