Somali News

Golaha wasiirada Galmudug oo Ansixiyay Dhisida Ciidanka Daraawishta Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee maamulkaasi, kaasi  oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug

Ajandaha shirka ayaa waxaa looga hadlay  arimo ay ka mid yihiin:-

1: Dhageysiga warbixinta wasarda amniga.

A: Dhismaha Ciidamada Darawishta Galmudug.

B: Siyaasada hubka iyo Gadiidka Maleshiyadka.

C: Istiraatiijiyada ladagalanka Nabadidka iyo Argagixisada .

2: Warbixinta wasaarada Caafimaadka arimaha covid19 .

Golaha Wasiiradu waxey si qoto dheer uga doodeen dhamaan ajandaha, iyagoo bogaadiyey habsami u socodka hawlaha amniga Galmudug lagu adkaynayo iyo howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Dhanka kalena waxaa golaha wasiiradu Ansixiyeen Dhisida Ciidanka Daraawishta Galmudug, sidoo kale Golaha wasiirda ayaa go’an ka gaaray Hubka iyo Gaadidka maleeshiyaadka