Uncategorized

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya Jowhar.

Jowhar-KNN-Wax ka badan 7 bilood kadib markii ugu horeysay Golaha wasiirada Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ku kulmaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle kadib markii xildhibanaada ay shaqada ka Eryeen Madaxweynihii Maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominaya Sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee gobolka iyo xil ka qaadistii Madaxweynaha ee Baarlamaanka ku sameeyay.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlayaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka, iyo sidii Wasiirada ay shaqadooda u sii wadan lahaayeen, isla markaana aysan saameyn ugu yeelan laheyn.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlayaa arrimaha amniga iyo sida loogu gudbi karo xaalada kala guurka ah ee uu galay Maamulka, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha.