Uncategorized

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Maanta shirkooda ugu hadlay arimaha amniga iyo Cadaalada.

kadib Kulanka ay maanta yeesheen magaalada kismaayo ee gobalka jubada hoose    golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland  waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin arimaha amniga, miisaaniyadda iyo arimo kale oo la xiriira cadaaladda.

Wasaaradaha kala ah Amniga, Beeraha, Caafimaadka iyo Cadaaladda ayaa wasiiradooda  laga dhageystay warbixinno ku saabsan wasaaradahooda, iyadoo intaa kadib ay goluhu ka doodeen Miisaaniyadda sanadda 2018 oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaraddaasi Mudane C/rashiid Jire Qalinle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa u sharaxay golaha wasiirada Miisaaniyadda uu soo gudbiyay iyo waxa ay kaga duwantahay sanadkii hore, isagoo sheegay in Miisaaniyadda sanadkan lagu saleeyay dakhliga dowladda oo meelo kala duwan ka imanaya.

Intaa kadib ayay goluhu si gacan taag ah ku meelmariyeen Miisaaniyadda.sidoo kale waxaa ay ka hadleen sidii loo waji lahaa dagaalka ay ku dhawaaqday dowlada federaalka soomaaliya.

Wasiirka wasaarada amniga Jubaland  C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) oo ka warbixiyay kulan ay yeesheen golaha amniga dowlad goboleedka Jubaland iyo qorsheyaasha wasaaradda ee dhanka amniga.,isagoona tilmaamay inay dhawaan bilaabi doonaan howlgal ka dhan dagaalmayaasha Al-Shabaab.