Baydhabo-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay ansixiyeen xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkaasi.
Kulanka xildhibaanada ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta waxaa soo xaadiray ku dhawaad 124 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada 123 xildhibaan.
Kalfadhiga ayaa waxaa shir Gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, isagoona sheegay in maanta la meelmariyay golaha Wasiirada, waxaa uuna kula dar daarmay in ay u shaqeeyaan shacabkooda.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Lafta Gareen ayaa marka la meelmariyay Golaha wasiirada ayaa waxaa uu u mahadceliyay xildhibaanada baarlamaanka, sida ay u ansixiyeen.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso la dagaallanka Musuqa iyo nabadeynta deegaannada Maamulkaasi.