Uncategorized

Golaha Wasiirada oo Hada Shir Deg Deg ku yeelanaya Xarunta Madaxooyada.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo xafiiska R/wasaaraha soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Shir deg deg ah haatan ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya maanta  oo Arbaco ah.

Xubnaha Wasiirada ayaa waxaa lagu wargeliyay in shirka ay  isugu yimaadaan 10-ka subaxnimo ee saakay,islamrkaana ay ka soo qeyb galeen,Maadaama Waqtigii looga bartay shirka laga soo hormarsiiyay.

Wararka ayaa intaas Waxaa ay u darayaan in  Wasiirada fariimo loogu sheegay in kulan deg deg ah ay ka soo qeyb galeen, inkastoo aan loo sii sheegin ajandaha shirka oo xilliyadii hore si horudhac ah loogu sii wargelin jiray.

Ilaa hada lama oga Waxa ay inta badan ugu hadli doonaan shirkan deg deg ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya,hayeeshee wariyaasha ayaa goordhow looga yeeray xarunta madaxtooyada soomaaliya.

Wixii ku soo kordha la soco.