Muqdisho-KNN-Kadib kulan ay yeesheen maanta golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay magacaabeen taliyayaasha cusub Ciidamada Nabad suggida , Booliska, Asluubta iyo xoogga dalka Soomaaliyeed.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka hay’adaasi.
Cabdi Xasan Maxamed ayaa isna waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, iyadoona xilkaasi laga qaaday General Bashiir Cabdi Maxamed
Sidoo kale General Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka, iyadoona xilkaasi laga qaaday General Daahir Aadan Cilmi indha Qarshe.
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale waxaa magacaabeen Taliyaha ciidamada Asluubta, waxaana laga dhigay Mahad Cabdi Raxmaan Aadan iyadoo xilkii laga qaaday General Bashiir Goobe.