Muqdisho-KNN-Kulan aan caadi aheyn oo maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay ku Ansixiyeen laba Sharci oo muhiim ah.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyadoo ay wasiirada Cod Caqlabiyad leh ay ku Ansixiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka iyo Sharciga Axzaabta Siyaasadeed.
Labadaan Sharci oo muhiim ah ayaa kamid ahaa Sharciyo aad loo dhowrayay islamarkaana aad looga hadlayay waayihii dambe waxayna u muuqataa in markaan uu ka soo dhamaaday Golaha Wasiirada.
Dhowaan ayaa la filayaa in loo Gudbiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo kadibna loo sii gudbin doono Aqalka Sare kadibna uu saxiixi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.