Garoowe-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir gudoominaya kulanka golaha Wasiiradda oo ka socda xarunta Wasaaradda Maaliyada ee maamulkaasi.
Golaha Wasiiradda ayaa maanta dood ka yeelanaya qodobada la xariira ammaanka, dhaqaalaha iyo qorshaha waxqabadka sannadka nagu soo beegan.
Kulanka waxaa lafilayaa in warbixino loog dhageysto hababka guddiyada ama tubaha oo ay ku shaqeeyaan wasiiradda Puntland, waxaana qodobada ugu waa weyn kamid ah kuwa ammaanka.
Sidoo kale, waxay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020ka oo ay shalay kala hadleen wafdiga Beesha Caalamka, gaar ahaana qadiyada doorashada laysku raacdan yahay.


