Somali News

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka shiray diyaar garowga doorashooyinka

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay u diyaar garowga  doorashooyinka 2021/2025, amniga iyo laba kaclaynta caabuqa Karoona.

Golaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ka dhageystay warbixin la xiriirta Caabuqa Karoonaha, iyadoo sheegtay in xanuunku uu soo laba kacleeyay, isla markaana bulshada looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la iskula gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025, arrintan oo qayb muhiim ah ka ah Barnaamijka Xukuumadda.

Shirka golaha wasiirada ayaa ku soo aadaya xili walaac xoogan laga muujiyay guddiyada ay magacowday dowladda Federaalka Somalia.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku soo qulqulaya musharaxiinta madaxweynaha dalka Soomaaliya waxaana jira khilaaf ku saabsan magacaabista guddiga doorashoyinka iyadoo inta badan musharaxiinta ay ka soo horjeedaan xubnaha guddigan.