Uncategorized

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu soo rogay Xayiraad ka dhan ah Warbaahinta

Muqdisho–KNN– Iyadoo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Siyaabo kala duwan Warbaahinta ay uga hadleen ka dib Weerarkii ka dhacay Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Awaamiir kala duwan lagu soo rogay Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray Amar Golaha Wasiirada looga Mamnuucayo in Warbaahinta ay u Isticmaalaan Siyaasadaha Xasaasiga ah,waxaana la faray in waxa ay ka hadlayaan ay noqdaan wax la isla og yahay oo la Turxaan bixiyay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Golaha Wasiirada lagu Amray