Somali News

Golaha wasiirrada Galmudug oo la ansixiyay

Muqdisho-KNN-Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta waxa ay cod aqlibiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirrada ee xukuumadda Galmudug.

Waxaa maanta fadhiga soo xaadiray 78 mudane kuwaas oo cod aqlibiyad leh ku ansixiyay golaha wasiirrada maamulka Galmudug ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Maanta ayay ahayd markii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, uu horgeeyay xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug golihiisa wasiirrada si ay u ansixiyaan,isla markaasina ay u gutaan hawlaha horyaalla.