Somali News

Golaha Wasiirrada oo dhageystay Warbixin ku aadan Howlgallada ka socda dalka

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamse Cabdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sugidda amniga Magaalooyinka lala wareegay.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-shabaab.