Somali News

Goobta Natiijada Gobolka Maroodi-Jeex oo amaankeeda la adkeeyey

Xili ay wali socoto shaacinta natiijooyinka doorashada golaha wakiilada Soomaaliland iyo deegaanka ayaa waxa aan walii la shaacin doorashada tan magaalada Hargeysa.

Waxaana aad loo adkeeyey Amaanka Xarunta Komishanka doorashada ee gobolka Maroodi-jeex goobtaas ayaa waxaa la keenay Ciidamo boolis ah oo dheeraad ah maadama ay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland amaro duldhigtay musharaxiinta tartamaya.

Waxaana Filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo natiijada golaha Degaanka ee Caasimada Hargaysa Sidoo Kale Waxaa la Rajaynayaa in lagu Dhawaaqo natiijada golaha wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.