Sports

Goolhayaha chelsea Ihibaut Courtois oo doonaya inuu xaliyo mustaqbalkiisa ka hor koobka aduunka.

Goolhayaha Chelsea iyo xulka qaranka Belgium Thibaut Courtois ayaa qirtay inuu doonayo inuu mustaqbalkiisa xaliyo ka hor inta uusan u dhaqaaqin Koobka Adduunka xagaagaan.

25 jirkaan ayaa ku jira sannadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa Stamford Bridge, isla markaana weli uusan ku qanacsaneyn inuu qandaraaska u kordhinayo kooxda chelsea.

Dhinaca kale, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan helida adeega goolhaye Courtois, lakiin ciyaaryahanka reer Belgium ayaa qirtay inuu sii joogi doono Chelsea xilli ciyaareedka soo aadan.

“waxaan aaadi doonaa koobka aduunka anigoo  oo ay cadahay mustaqbalkayga”  ayuu Courtois u sheegay Sporza. “Weli waxaan ku riyaaq sanhay inaan ka ciyaaro Chelsea, waxaana doonayaa inaan guulo la gaaro.

“Waxaan heystaa hal sano oo uu ka  harsanyahay  qandaraaskeyga, waxaan dareemayaa farxad joogida kooxda Chelsea, dhamaadka xilli ciyaareedka waan wada fariisan doonaa, waxaanan sameyn doonaa isfahan, waan ogahay     inaan sii joogi doono Chelsea sannadka soo aadan.”

Courtois ayaa lagu wadaa inuu u ciyaaro  xulkiisa wajahaya kulanka saaxibtinimo oo ay la ciyaarayaan Saudi Arabia Talaadada, laakiin dhaawac muruqa ah ayaa u muuqday inuu ku soo laabtay Chelsea