Sports

Goolhaye David de Gea oo hadal laabqaboojis ah u diray jamaahiirta Untd.

Muqdisho-KNN-Goolhayaha Manchester United David de Gea ayaa sheegay inuu dareensan yahay jacayl iyo ixtiraam oo uu u hayo horyaaalka England.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo dalkiisa ka dib markii uu isku dayay inuu u saxiixo Real Madrid sannadkii 2015 taas oo aad u daneenaysa wali goolhayahan.

De Gea ayaa ka sii  dhamaanaya qandaraaskiisa  oo uu ku joogay Old Trafford, lakiin waxa uu ku dhow yahay suuqa kala iibsiga markuu furmo inuu ka dhaqaaqo manchester untd.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, xidigan oo hada kusugan gudashada waajibaad caalami ah ee qarankiisa, goolhayaha ayaa ka hadlay waqtigiisa England.

“Ugu danbeyntii England waxaan ku heystaa kalgacal weyn oo ixtiraam leh inaanan wax badan sii joogo ayaana jeclahay anigoo xiran fanaanad manchester untd” ayuu 27 jirkaan u sheegay suxufiyiinta.

“Laakiin mar kasta oo aan u imaado xulka qaranka waxaan dareemayaa is badal gudaha ah waana waxa igu siisiyaadaya.” hadalkaas oo loo fasairan karo inuu jecelyahay inuu ka dhaqaaqo Egland.

De Gea ayaa United kaga soo biiray Atletico Madrid sanadkii 2011kii.