Sports

Goolhaye marc-Andre ter stegen oo ka hadlay kubada la adeegsan doono koobka aduunka.

Goolhayaha Jarmalka Marc-Andre ter Stegen ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee dhaleeceeya kubada loo isticmaali doono Koobka Adduunka ee xagaaga.

Labada ciyaaryahan ee reer Spain shabaqa u ilaaliya David de Gea iyo Pepe Reina ayaa ka hadlayey Adidas Telstar 18, iyadoo ku andacooneysa inay tahay “kubad macquul aan aheyn in laga shaqeeyo”.

Ter Stegen ayaa ku biiray goolhayayaashii kale ee ka cabanaya kubada, lakiin waxa uu qiray inaysan heysan wax doorasho ah maadaama dhawaqooda aan latixgalinaynin laakiin uu doonayo inuu la qabsado sida ugu fiican ee ay awoodaan.

“Kubaddu waa ay ka fiicnaan kartaa, wax badan ayey u socotaa xawaaraheedu, laakiin waxaan u maleynayaa inaan dooneyno inaan u adeegsano inaan la shaqeyno oo aan laqabsano, islamarkaana aan isku deyno inaan sida ugu dhaqsaha badan ugula qabsano ka hor Koobka Adduunka.” ma heli karno doorasho kale, “Ter Stegen ayaa wariyayaasha u sheegay.

Jarmalka ayaa ku jira Groupka F ee Koobka Adduunka iyadoo la wadaagta Mexico, Sweden iyo South Korea.