Uncategorized

Guatemala oo safaaradeeda u rareysa Qudus

Madaxweynaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa amray in loo raro safaarada dalkiisa ee Israa’iil magaalada Qudus.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebooka, ayuu Jimmy Morales ku sheegay in uu go’aanka qaatay kaddib markii uu la hadlay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Toddobaadki lasoo dhaafay, Guatemala waxa ay ka mid ah ayd 9 kii dal ee diiday qaraarkii Qaramadda Midoobay ee ugu baaqayay Maraykanka inuu ka laabto go’aankii Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

MadaxweyneTrump ayaa ku goodiyay inuu gargaarka ka jarayo dalalka kasoo horjeesto go’aanka Mareykanka.

Mareykanka ayaa uga dhigan Guatemala deeq-biye muhiim ah, maadaam ay tahay dal sabool ah oo ku yaalla qaarada Mareykanka.

Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil.

Waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin seddaxda diimood ee dunida ugu badan, Islaamka, diinta Yuhuudda iyo Masiixiyadda.

Bariga Qudus oo magaalada Qadiimiga ah ay qeyb ka tahay waxay Israa’iil qabsatay ka dib dagaal lix maalmood qaatay oo dhacay 1967, Laakiin hadda ka hor looma aqoonsan in ay qeyb ka tahay dhulka Israa’iil ay maamusho.

in Qudus ay leedahay Israa’iil weli beesha caalamka maysan aqoonsan, dhammaan dalalkana waxay safaaradohooda ka dhisteen Tel Aviv.

Sikastaba, madaxweyne Trump ayaa u sheegay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka inay bilowdo ka shaqeynta in safaaradda Mareykanka loo raro Qudus.

Xigasho BBC