Somali News

Guddi ka shaqeeya kala-saarista Shirkadaha u tartamaya Fulinta adeegga Xajka oo la shaaciyay.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta wee xukuumadda soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday guddi ka shaqeeya kala saarista shirkadaha utartamaya fulinta adeegga xajka ee sanadkaan 2019ka.

Guddigaan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin culumo laga soo kala uruuriyay gobalada dalka kuwaa oo shaqadooda ugu badan ay tahay inay kala saaraan shirkadaha ka shaqeynaya daabulidda xujeyda soomaaliyeed si aysan dhibaato u arkin sida sanadighii hore ay dhici jirtay.

Si xor ah oo xalaal ah ayaa lagu sheegay in lagu kala saari doono shrikadaha fulinaya adeegga xajka ee sandkaan si ay ugu wada qancaan dhammaan ganacsatada soomaaliyeed ee doonaya in adeeggaan ay qabtaan.

Goor sii horeysay ayaa laga dalbaday wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda soomaaliya in wax kabedal ay ku sameeyo shirkadaha fulinaya adeegga xajka maadaama dadyow soomaaliyeed ee dhiibtay lacagta xajka ay la kulmeen dhibaato daran.