Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Guddi loo magacaabay Khilaafka Golaha wakiilada Maamulka Somaliland

Hargeysa–KNN–Xildhibaanada Golaha wakiilada ee Maamulka Somaliland oo qaar ka mid ahi maanta warbaahinta kula hadleen Magaalada Hargeysa waxay sheegeen in guddi ka kooban toban xildhibaan oo golahaasi ka tirsan loo saaray khilaafkii ka jiray golaha wakiilada.

Cali Yuusuf Jaamac ku xigeenka saddexaad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in todoba maalmood la fasaxay golaha wakiilada wakhtigaasina xal laga soo gaadho khilaafka u dhaxeeya Musharaxiinta Guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle.

Baashe Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha lagu muran sanyahay xilkiisa ayaa sheegay in khilaafka ay xalin doonaan guddidaasi loo magacaabay in ay  xal ka gaadhaan natiijada kasoo baxday doorashadii lagu doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle oo ah musharaxa la sheegay In laga guuleystay ee maxkamada dacwada u gudbisay ayaa sheegay inuu guddidaasi ka war sugi doono.

Khilaaf ka bilaabay natiijadii kasoo baxday tartankii guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray deegaanada Somaliland kaasi oo lagu murmay natiijada kasoo baxday doorashada, maxkamada dastuuriga oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadaasi ayaa sheegtay inaanay ka garniqi doonin khilaafka golahaasi ka jira.

Shacabka ku nool deegaanada maamulka Somaliland ayaa ka walwalsan khilaafka ka jira golaha wakiilada oo keenay in weerar ka dhaco xarunta golaha Baarlamaanka Somaliland.