Uncategorized

Jawaari iyo Muudeey oo gudiyo xal raadin ah magacaabay.

Muqdisho-KNN-Saacadihii ugu dambeeyay ayaa kulamo waxay ka soconayeen magaalada muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya, kulamadaasi ayaa ahaa kuwoo xal loogu raadinayay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari.

Ilo wareedyo lagu kal soonyahay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Guddoomiye Jawaari uu soo magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, oo la kulmi doona guddi kale oo dhanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Xildhibaanada mooshinka wada ka imaanaya, si ay xal ugu raadiyaan xiisada siyaasadeed ee taagan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah ay ku yeelanayaan Villa Hargeysa gudi ka kooban 14 xubnood oo ka kala yimaanaya labada dhinac ee kala ah dhinaca Mooshinka wada iyo dhinaca ka soo horjeeda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xubnaha Guddiga 7-da xubnood ee Jawaari uu magacaabay ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, si ay uga arrinsadaan xal u helida arrimaha taagan iyo sidii sharciga loogu kala bixi lahaa.

Kulamadaan ayaa imaanaya xilli uu cirka isku sii shareeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan Golaha Shacabka, iyadoo la filayo in kulamadooda ay ka soo baxaan qodobo ay isugu soo dhawaanayaan labada dhinac.