Somali News

Guddi loo xil saaray baarista Marxuum Ku dhintay xabsiga dhexe ee Xamar

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Guddi u saaray baarista Marxuum Xasan Kurtun Culusoow oo ka mid ahaa maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar ku jirtay, kaasi oo u geeriyooday xanuun soo waajahay, aydoo dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Asluubta uu shaqa joojin ku sameeyay Taliyahii Xabsiga Dhexe ee Xamar

Gaashaanle Sare Cabdiqani  Maxamed khaliif Afhayeenka ciidanka Asluubta  oo ka hadlay sababta ka dambaysay geerida Xasan Kurtun Culusoow iyo sida ay socdaan baaritaanada guddiga uu u magacaabay dhacdadaasi Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan.